Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo gowr dhaw gacanta ku dhigay degmada basraiyo Afaafka hore ee dagmada balcad.

0
551


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Ciidamada Dowlada KMG oo Garab ka Helayaa Kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom oo gowr-dhaw ka ambabaxay degmada afgooye ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay dagaal ku qaaden ciidamda xaraka al-shabaab ay ku sugnaa wadada isku xerta Degmada afgooye iyo Degmada Balcad.

Dagaalkaan dhexmaray gowr-dhaweyd ayaa ahaa mid ku bilowday rasaas calculus islamarkaana ciidamda Dowlada ay ku qaadeen xaraka al-shabaab,sida ay sheegayaan illo lagu kalsoonyahay.

Dagaalkaan ayaa yimid kidib marki ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay Isku Dayeen In Ay Gaaraan Degmada Balcad waxeyna iska caabin xoogan ay kala kulmeen Xarakada al-shabaab oo Wadadaasi ku sugnaa.

Israsaaseenta Dabadeed ayaa waxaa ciidamda Amisom Iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya Waxaa U suura Gashay In Ay Gacanta Ku dhigaan Wadada Isku Xirta Degmada Afgooye Iyo degmada Balcad oo Ka Kala Tirsan Gobalka Shabelaha Hoose Iyo Shabelaha Dhexe.

Abaanduulaha Ciidamda Xooga Dalka Somaliya Iyo Kuwa Amisom Ayaa Waxaa Uu u Cadeeyay In Ay Gacanta Ku dhigeen degaanka Basra Iyo Afaafka Hore ee Degmada Balcad.

general Dhagabadhah Ayaa Waxaa uu sheegay In Ciidamda Ay wali Ku Guda Jiraan Hawl-galadii ay kula wareegayeen Goobaha Ay Gacanta Ku Hayaan Xarakada Al-shabaab.

“”Ciidamda Dowlada iminka waxa ay ku sugan yihiin Afaafka Hore ee degmada Balcad oo ka Tirsan Gobalka Shabelaha Dhexe hawl-galadeenana wey sii socon doonaan ilaa gabi ahaa gacanta uga dhigeeno gobalada ay ka arimiyaa kooxda al-shabaab”ayuu yiri Generaal

Si Kastaba Ha Ahaatee Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa guluf Dagaal ay ka bilaaween Ciidamda Dowlada oo Garab Ka Helaya AMISOM iyadoo Dagaaladaasi ay kula wareegeen Goba Hor Leh Oo Ka tirsan Labada Shabeelle.

Xafiiska warqabadka warsom.com
muqdisho,Somaliya.