Baaritaan Lagu Xaqiijinayo Amaanka Dagmada Afgooye Oo Halkaasi ka Soconaya.

0
478


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Ciidamada DKMGah ee soomaaliya ee garabka ka helaya
Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka hada ka socanaya qeyba ka mida
Degmada Afgooye ayaa lagu soo waramaya in ay gudaha ugaleen xaafada sagaalaad9
ee degmada Afgooye .

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay hada la wareegen saldhiga
degmada Afgooye iyagoona ujeedka ciidamada isbiirsanaya ayaa ah in guud ahaan
degmada afgooye in ay ka sifeeyaan Xarakada alshabaab kuwaasi oo maalmahii ugu
danbeeyay dagaallo xoogan uu ku dhexmarayay qeyba ka mida inta u dhexeysa
gobolada Sh/hoose iyo gobolka banaadir.

Ciidamada ayaa isku fidiyay wadada xiriirisa degmooyinka
Afgooye iyo walaweyn ee gobolka shabellaha hoose halkaasi oo hada la sheegaya
in ay ka wadaan howlgallo lagu adkeynayo amaanka deegaanada ay kala waregen
gacan ku heyntooda xarakada alshabaab.

ciidamada ayaa baaritaano adag waxay ka wadaan deegaanada loo barakacay sida
ceelasha biyaha tareedishe lafoolle iyo xaawo cabdi sida ay u xaqiijinayaa goob
jogayaal ku sugan goobaha ay ka socanayaan baaritaanada .

Howlgalka baritaanad ayaa la sheegayaa in ay wadaan ciidamad
AMISOM oo kaliya iyadoona ujeedka baritaanada uu yahay sida la sheegay hubinta
amaanka deegaanada cusub ee ay la wareegen ciidamada DKMGah ee soomaaliya iyo
kuwa AMISOM

Waxii faahfahin ah ee ka soo ifbaxa howlgalada kala soco Warsom.com