
SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Ragga Hubeysan ayaa askarigan ku toogtay agagaarka Carwo Liimo ee dhabarka dambe ee qeybta Bacadlaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo askari laga toogtay dhabarka dambe.
Shanqarta rasaasta ayaa durba keentay kala yaac iyo kala carar ay sameeyeen dadkii ku ganacsanayay suuqa iyo kuwa u soo dukaameysi tagay, iyadoo qeybta dilka ka dhacay ay tahay mid kacsan.
Ragg Hubeysan ayaa goor dhow gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo labisnaa dareyska Booliska, iyadoo dilkan uu saameyn ku yeeshay habsami u socodkii howlaha ganacsi ee qeybo ka mid ah Suuqa.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa booliska ayaa gudaha ugu jira suuqa, iyagoo howl galo ballaaran ka wada, waxaana jira dhalinyaro fara badan oo ay qab qabteen.
Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee suuqa bakaaraha dharaar cad askari ka tirsan dowladda dil loogu geysto, hase ahaatee dilal ka horeeyay oo dhacay horaantii sanadkan ayaa ahaa nin hubeysan oo dilay ganacsade sarifle ah isna lagu dilay Suuqa dhexdiisa.
Ammaanka Suuqa Bakaaraha ayaa ahaa tan iyo markii sanadkii hore oo dowladda la wareegtay mid aad u sugnaa, iyadoo hareeraha suuqa iyo gudaha ay saldhigyo ku lahaayeen Ciidamada booliska.