Ahlu Sunna oo carabka Ku dhufatay ineysan ka qeyb galleyn Shirka Ka Furmay Istanbuul.

0
501


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Wararka ka soo baxay maamulka Sare Ee ahlu Sunna Waljamaaca ayaa timaxaya inaysan ka mid aheyn xubnaha ka qeb galaya shirka Odashaada dhaqanka loogu qabanayo Dalka Turkiga.

Madaxda Culumaa Udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Diidmada Ka Qeyb Galka Shirka Turkiga Waxa ay sabab kaga dhigeen Qodobo Dhawr Ah oo ay horay Uga Doodeen.

Hadi anu nahay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee wadanka Soomaaliya waxanu go’ansanay in aanu hakino ka qaybgalka shirka ka dhacaya wadanka Turkiga sababaha hoos ku xusan dartood .

1.Ahlusunna Waljamaaca waxay horay uga dooday qabka bulshada rayidka ah ay uga qayb galayso Shirka Istanbul waxaayna soo jeedisay in xubnaha bulshada rayidka laga keeno guud ahaan gobolada Somalia amaba lo qaybsado habka dowlada kmg ah ay ku dhisantahay ee 4.5 si dhinacyada kala duwan ee somalida ay iskaga dhex arkan.

2.Waxaa jiray shir Magaalada adis ababa nagu dhexmaray Masuuliyin ka socota Turkiga waxana u gudbinay in dowlada turkiga ay hakiso dhoofinta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka inta la xalinaayo isfahan waaga ka jira.

3.Waxaan Turkiga u dirsanay gudi wada jir ah oo Dowlada Turkiga kala xajooda sidi ay dib ugu dhigilahayd safrinta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.

Dhamaan qodobadaas kor ku xusan ee anu ka dalbanay Dowlada walaalaha anu nahay ee Turkiga nagamaysan aqbalin waxaayna si toos ah u dhofisay odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socda bulshada rayidka oo aan la aqoon meel ay ka socdaan iyo gobol ay matalaan.

Sida daraad hadi anu nahay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Somalia waxaanu hakinay ka qaybgalka Shirka Istanbuul Sidaana Waxaa Yiri Maamulka ahlu Sunna Waljamaaca.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.