Afhayenka ciidamada AMISOM Captain paddy ayaa sheegay in ay lawaregen gacan ku heynta degmada afgooye oo xarakada alshabaab u aheyd magaallo istaraatiiji u ah jiritaanka alshabaab
Captain paddy ayaa waxa uu intaa raaciyay in degmada Afgoye oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalada caasimada muqdisho ay aheyd fariisan muhiim ah oo ay alshabaab ku tashan jirtay balse hada taasi ay soo afmeyrantay
Mr Paddy Ankunda waxa uu yiri asigoo la hadlayay BBC da in alshabaab marnaba aanay soo haweysandoonin degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose Marka laga reebo magaalada kismaanyo
Afhayenka ayaa waxa uu sheegay in hada ay fursad gargar bani aadmi nimo ay helidoonan 400 kun oo barakacaay ah kuwaasi oo la heystayaal u ahaa xarakada alshabaab ee iyagu mudada dheer ka talinayay deegaanada ay hada la wareegeen Ciidamada DKMG ah ee soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka soomaaliya
Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday howlgalada ka socanaya degmada Afgooye ee la sheegay in lagu sugayo amaanka deegaanada ay la wareegen Ciidamada isbiirsanaya ee goobta ka saaray Xarakada alshabaab.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.