Xuska Sanad Guuradii 52-aad Ee Asaaskii Ciidamada Xoogga Dalka Oo Muqdisho LoogaDabaal Dagayo

0
570

Magaalada Muqdisho waxaa maatna laga xusayaa sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegtey asaaskii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ku beegneyda 12-ka April ayaa xiligaas loo baajiyey sababo la xiriira dhinaca ammaanka.

Xuskan oo noqonaya kii ugu balaarnaa ee in mudo ah magaalada Muqdisho ka dhaca waxaa ka qayb gelaya tira badan oo ciidamada DKG ah ka tirsan.

Madaxda sare ee dalka ayaa sidoo kale la filayaa in goobta ay munaasabaddaasi ka dhacayso  ka hadlaan,  iyadoo ciidamadunua ay gaada ka ciyaar sameyn doonaan.

Dhinaca kale ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid si aad ah loo adkeeyey iyadoo inta badan jidadkuna ay yihiin kuwo xiran.

52-sano ayaa laga joogaa xiligii dhidibada loo taagey ciidamo xooggan oo ay Soomaaliya yeelato, kuwaas oo xilli xiliyada kamid ah loo aqaansaday quwadda 1-aad ee geeska Africa.