Xarakada Al-shabaab Oo Weerar Xoogan Ku Soo Qaaday Ciidamada Dowlada Iyo Kuwan AMISOM Ee Ku Sugan Gudaha Degmada Dayniile

0
493

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dagaal xoogan oo iminka ka qarxay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada DowladdaTFG_da soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah

Weerarkaani ayaa lagu soo waramaaya in ay duulaanka soo qaaday Xarakada Al-shabaab islamarkaana weeraro lama filaan ah ku qaaday Goobo fariisimo u ahayd Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda TFG-da Soomaalia

Xarakada Al-shabaab Ayaa Dagaalkaasi Ku Dooneysay In Ay Dib Ula Wareegto Degmada Dayniile Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Kaa Oo In Mudo Ah Gacan Ku Heyeen Dowlada Soomaaliya Iyo Waliba Kawa AMISOM

Dagaalka Ayaa Saakay Xoogiisa Waxa Uu KA Socday Agagaarka Degmada Dayniile Balse Dagaalka Ayaa waxaa La Isku Adegsanayay Hubka Noocyadiisii Kala Duwan

Balse Inta Uu Socday Dagaalka Ayaa waxaa Dheeraa Madaafiic Ay Isweedaarsanayeen Labada Dhinac Ee Ku Hardayamay Gudaha Degada Dayniile Kaa Oo Ku Dhacayey Gooba KA Baxsan Halka Uu Dagaalka KA Socday

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)