Xaflad si weyn loo soo agaasimahay oo lagu furayey garabka Xisbiga TAYO PARTY ku yeelanayo wadanka Holland ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada xarunta u ah siyaasada Dalka Netherlands ee Denhaag, Waxaana kasoo qeybgalay xafladaasi dadweyne aad u badan oo ka kala yimid dalka Holland iyo Halgamaa Abdiqadir Boolaay oo ka yimid UK.
Dadka meesha yimid waxaa ka muuqatay taageero badan oo ay Xisbiga TAYO u hayaan kaasi oo dhawaan looga dhawaaqay Mareykanka iyaddoo ay hoggaanka Xisbiga TAYO loo doortay Maxamed Abdilaahi Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Drs, Maryan Qaasim oo ka mid aheyd wasiiradii xukuumadii Farmaajo Ee Dowlada Soomaaliya.
Mid Ka Mid Ah Dhaliyarada Xisbiga Oo Lagu Magacaabo Shuukheey ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka ujeedka TAYO iyo waxa uuga duwan yahay dhamaan xisbiyada kale ee dalka ka jira.
Waxaase uu intaasi raaciyey muuqaalo laga duubay dadkii Soomaaliyeed ee ka banaanbaxaay waqtigii uu Farmaajo xilka Ra’iisul wasaare wareejinayey kuwaasi oo diidanaa arrintaasi balse rabay inuu Farmaajo sii joogo xafiiska Xukuumadii TAYO loo bixiyey ee waqtiga yar isbedelka kasameysay Soomaaliya.
Halgamaa Abdiqaadir Cali Boolaay oo kamid ahaa ragga fara ku tiriska ah ee ka haray SYL ayaa waxaa uu maanta kasoo qeybgalay xafladan lagu taageerayey Xisbiga TAYO. Waxaana uu codkiisa ku biiriyey taageerayaasha u taagan inuu TAYO noqdo mid hirgeliyo hankiisa siyaasadeed eeku aadan Dalka Soomaaliya.
Raíisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Xoghaya guud ee Xisbiga TAYO ayaa isaga oo jooga Dalka Ingiriiska uga qeybgalay qadka telefoonka xafladan ka dhacday Holland,waxaana uu farmaajo si weyn uga mahadceliyey taageerada uu had iyo jeer ka helo isaga iyo xisbigiisa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland. Farmaajo waxaa uu sidoo kale ku dheeraaday sababta uu xisbiga TAYO ku bilowday iyo dadka bilaabay intaba. Waxaana uu si gaar ah ugu sheegay jaaliyada Holland inay yihiin kuwii bilaabay dhismaha xisbiga TAYO