Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Oo

0
495

 

Wararka soomaaliya (Wakaalada Wararka soomaaliyeed
Ee Warsom)

Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Puntland ayaa ka
hadashay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradha Cabdilaahi
Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo.

Wasiirka wasaaradda Cali Axmed Gamuute ayaa ka hadlay shilkaas iyo qaabkii
uu dhacay isagoo xusay in weli uu socdo baaritaan ku aadan qaabkii uu shilkaasi
ku yimid.

Mr Gamuute ayaa dhinaca kale tilmaamay in mas’uuliyadda shilkaas uu leeyahay
wadaha diyaaradu maadaama diyaaradu xiligii ay soo degeysey aysan cagaha danbe
dhulka dhigan.

 

“Diyaaradu meeshii ay labada lugood ee danbe dhigan lahayd ayey
waxay dhigatay afka hore, taasna waxaa loo arki karaa khalad ka yimid Pilotka
ama farsamo ahaan u yimi”
Wasiirka duulista hawada iyo garoomada ee
Puntland ayaa yiri.

Diyaaradan oo nooceedu yahay A.24 kana soo kacday garoonka diyaaradaha ee
magaalada Berbera ayaa sidey 42-qof oo isugu jira dad rikaab ah iyo shaqaalihii
diyaaradda.

Ma jirto cid waxyeelo shilkaas kasoo gaartey haseyeeshee waxaa burbur
xoogani soo gaarey diyaaradda.

Waxaana xusid mudan in qaar kamid ah maamulka shikadda duulimaadyada Jubba
Airways oo diyaaradaas iska lahaydi ay tilmaameen in shilkaas ay sababtay
wadada Runwayga ah oo roobkii dhowaan Gaalkacayo ku da’ay uu wayeelo soo
gaarsiiyey.

Wararka soomaaliya (Wakaalada Wararka soomaaliyeed
Ee Warsom)

a