Sheekh Xassaan Xuseen “Idaacadii Buun Buuniso Ama Cidii Taageerto Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya Waa murtad

0
1264

Wararka soomaaliya (Wakaalada Wararka soomaaliyeed
Ee Warsom)

Sheekh Xassaan Xuseen Adem Abuu Salmaan oo
kamid ah Ma Shaa’ida Taageerta xarakada al-shabaab Kuna Sugan Geeska Afrika
Gaar Ahaan Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya ayaa ka hadlay Dastuurka
Dowlada TFG-da Soomaaliya Dooneyso In Ay Ansixiyaan Maalmaha Soo Socda.

Sheekh Xassan Ayaa Sidoo Kale wuxuu Uu
Shegay  in Dastuurka cusub uu yahay
Dastuur gaaleed War Baahintii Xayeysiisa Iyo Waliba  cid walba oo ka shaqeysana ay gaalowday
Isagoona Intaasi Raaciyay In uu Yahay Dastuurkaasi Mid Ay Soo Awaauleen Gaalo
Shacabka Soomaaliyeedna Laga doonayo In Ay Ka Dhiidhiyaan .

Xasaan Xuseen ayaa ugu Digay Dastuurka Sheegayna shakhsiyaadka ku lugta leh
Dastuurka Mahiga Haddii Ay dhintaan aan lagu duugin Soomaaliya ee lagu duugo
Seybeeriya iyo deegaanada Yahuudu ku noolyihiin Waa Sida Uu Hadalka u Dhigay
Xasaan Xusseen Oo Ah Mashaa’iqda Sida Aadka u Taageerta Hanaanka Ay Wax Ku
Maamusho  Xarakada Al-shabaab .

Waxa Uu Kaloo Xasaan Sheegay In ay Jiraan
Mashaa’iq U Caleemo lulaya Dastuurka Haatan Ay Wadaan Dowlada soomaaliya
Awaawulkiisana Uu Leeyahay Mahiiga Laguna Doonayo In Looga Marin Habaabiyo
Shacabka soomaaliyeed Diimtooda Islaamka Sida uu sheegay Sh.xasaan

Hadalkaaani Ka soo Yeeray Sh.xasaan Oo Ka Mid ah Wadaada Sida Aadka u Taageero Al-shabaab  Ayaa Ku Soo aadaya Xilli Maalmahaanba Ay Isasa
Soo Tarayeen Dhaliilaha Ay Shacabka.Qaarka Tirsan Masuuliyiinta Dowlada TFG-da
Iyo Waliba Axzaabta Ka Jira Dalka Soomaaliya Ay Isasa Soo Tarayeen Dhaliilaha
Ay U Jeedinayaan Madaxda Sar Sare Ee Dalka Kuwaa Oo  Dooneyaan in Ay Ansixiso Dastuurka Cusub Ee
Haatan Loo Sameeynayo Dowlada Iyo Shacabka soomaaliyeed

Wararka soomaaliya (Wakaalada Wararka soomaaliyeed
Ee Warsom)