Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararaka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shir Madaxda Midowga Afrika ay leeyihiin iyo shir gaar ah oo howl galka Soomaaliya Ay Kaga Hadli Doonaan Madaxda Dowlada Ithopia iyo |Sharioif Sh.Axmed.
Magaalada Addis Ababa waxaa horay u sii joogay Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Diini oo labadaba ka qeyb galay shir ay lahaayeen dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya Ee |Dagaalada Kula JIra Al-shabaab.
Dalalka deriska ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolada dalka, iyadoo fara gelin milateri oo ay hormuud u yihiin dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya Islamarkaana Ay |Doonayaan In Ay Guud Aaan Kala Wareegaan Dalka Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararaka Soomaaliyeed Ee Warsom)