Sh.Cali Dhere Oo Ku Hanjabay In Dhawaan Talada Maamulka Puntland Ay La Wareegi Doonaan

0
488

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh.Cali Dheere) Oo Ah Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Ku Hadahs Afka Al-shabaab Ayaa waxa uu sheegay in dhowaan  ay la wareegi doonaan Maamulka Puntland Islamarkaana Ay Iyaga Ka Arimi Doonaan.

Sh.Cali Dheere ayaa ugu hanjabay Cabdiraxmaan Farool Madaxweynaha Puntland  in dhowaan Shabaabka ay talada kala wareegi doonaan Isagoona Xusay In Ay Ku Wajahan Yihiiin Maalmaha Soo Socda.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto sida ay u gaari lahaayeen dhamaan deeganada Ay Ka Koobantahay Maamul Goboleedka Puntland Oo Uu Hada Taladeedu Hayo Cabdiraxmaan Farool.

Afahayeenka Al-shabaab Hadalka Ka Soo Yeeray ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo Buuraha Golis ay ku suganyihiin dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab Al-Shabaab Islamarkaana Ay Dsagaalo Ba’an Kula Jiraan Maamulka Uu Puntland.
Sh.Cali Dheere ayaa ku Hanjabay in Al-Shabab ay awood u leeyihiin in ay isku qeybiyaan Koofur iyo Bari oo uu ule jeeday Deeganada Puntland .

Dhowaan ayay eheed markii Cabdiraxmaan Farool Madaxweynaha Puntland uu sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay u soo guureen Deegaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Golis Ay Ku Suganyihiin Kooxo Xiriir La Leh Al-shabaab.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)