Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Booqday Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho

0
1156

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Mr Gaas Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday Saldhigga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ay ku jiraan maxaabiis aad u badan, kuwaa oo dambiyo kala duwan xabsiga ugu jira.

 

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa waxaa booqashadda xabisgga ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda TFG-da Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Ciidanka Nabadd Suggida Qaranka Soomaaliyeed, C/xakiin Macalin Fiqi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda TFG-da.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa timid kamid markii maalintii shaley aheyd ay isku dayeen qaar ka tirsan muxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho iney ka baxsadaan balse ay ciidanka Asluubta ka hortageen falkaasi Islamarkaana Ay Fashiliyeen Falalkii Ay Damacsanaayeen Maxaabiistaasi.

Cabdi Maxamed Cusmaaciil

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha dhacdadii shaley ka dhacday Xabsigga Dhexe.

 

Warbixinta kadib ayaa ra’iisul Wasaaraha wuxuu soo kormeeray dhamaan dhismaha guud ee xabsigga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ciidanka Baanbeyda ayaa salaan so gootin ah uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafuudii la socotay Ka Dibna Ay Ka Soo Amba Bexeen Xabsiga.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)