Qodobo Ka Mid Ah Dastuurka Qabyo Qoraalka Soomaaliya Oo Wax Laga

0
468

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xukuumadda TFG-da Soomaaliya ayaa sheegtay in isbeddel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobbo ka mid ah qabyo qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya kaddib markii ay soo baxeen qeylo-dhaaan ka imaaneysay qeybaha bulshada kala duwan, inkastoo qodobada muranka dhaliyay qaarkood la badalin.

Xasan Maxamuud Jimcaale “Xasan Dhere“ Wasiiru- dowlaha Wasaaradda dastuurka  ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay qodobbo badan oo ka mid ah qabyo qoraaleedka dastuurka cusub ee Soomaliya.

Sidoo Kale Waziirka ayaa sheegay in qodobada wax laga bedelay in ay ka mid yihiin shuruudaha Qofka isku sharaxaya xilka madaxtinimo ee Soomaliya kaas oo dhigayay in musharaxa uu heysan karo labo dhalasho, balse lagu kordhiyay inuusan heysan dhalasho wadan ajnabi ah haddii uu horay u lahaana uu kansalo ka hor lix bilood inta aanu is sharaxin iyo qodobbo kale.

Qodobbada la xiriira jinsiyadda oo buuq xooggan dhalisay ayuu sheegay in sidoo kale isbadal lagu sameeyay, walow uusan cadeyn qaabka isbadalka loogu sameeyay qodobadkaasi.

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya, kaasoo ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn, maaddaama ay ku doodayaan in waxyaabo lid ku ah Shareecadda Islaamka ay ku jiraan.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)