Qaar Ka Tirsan Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wazaare Gaas Iyo Shaqsiyaad Kale Oo Loo Soo Qabtay In Ay Ku Lug Lahaayeen Qarxaii Tiyaatarka

0
483

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaalieed Ee Warsom)


Ilaalada xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dowlada TFG-da Soomaaliay Qaar kamid ah ayaa loo qabtay tuhun la xiriira inay wax ka ogaayeen qaraxii ismiidaminta ahaa ee 4-tii bishan aynu ku jirno ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho.

Dadka la qabtay oo uu ku jiro madaxii ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha islamarkaana ay midkood haweeney tahay ayaa looga shekiyey inay qaraxaas wax ka ogaayeen.

Saddexdaani  qof oo ay xalay qabteen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ah ee Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ku socda baaritaan xoogan oo arintaas ku aadan iyadoo su’aalo ay weydiinayaan saraakiisha D.TFG-da ah u qaabilsan denbi baaristu.

Qabashada Dadkan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee gacanta lagu soo dhigo tan iyo intii ay dowladdu magacawday guddiga gaarka ah ee loo saaray baaritaanka qaabkii uu qaraxaasi u dhacay iyo cidda ay suurtagalka tahay inay gacan ka geystey.

Xarakada Al-shabaab Saraakiil ka tirsan  oo dhowr beri kahor Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan shakhsiyaad ka tirsan xukuumadda Federaalka ah oo iyagu gacan weyn ka geystey sidii uu qaraxaasi uga dhici lahaa gudaha xarunta Tiyaatarka ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada oo ay ku dhowaad 10-qof ku geeriyoodeen ayaa ahaa mid muran xooggan ka dhex abuuray gudaha Madaxda Sar Sare Ee dowladda TFG-da.

Shiriif Shiikh Axmed Ayaa Waxa uu Horey mas’uuliyadda qaraxaas dusha uga tuuray wasaarada warfaafinta taasoo uu ku eedeeyey inay dayacday ammaanka Tiyaatarka oo ay maalintaas xaflad xuska sanad guurada asaaskii TV-ga qaranka ku saabsani ay ka socotey Islamarkaana Qasaarahaasi ka Dhashay.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaalieed Ee Warsom)