Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ciidamada ammaanka ee dalka Masar gaar ahaan kuwa baarista iyo Kastamka ee dekedda Boor-Siciid ayaa qabtay hub badan oo la sheegey inuu kusoo wajahnaa dalka Soomalaiya.
Hubkan oo ku jirey Kunteendhar, tiradiisuna ay tahay 9940 qori wuxuu markabka sidaa ka yimid deked ku taal dalka Turkiga isagoo taransit ku ahaa dekedda Boor-Siciid kuna sii jeedey dekedda dalka ay Soomaaliya deriska yihiin ee Jabuuti.
Dowladda Masar ayaa sheegtay in hubkan la rumeysan yahay in loo wadey kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ee ka qowleysta biyaha caalamiga ah ee Soomaaliya deriska la ah.
Waxaana weli socda baaritaan ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ay ku wadaan markabka hubkaas wadey iyo shaqaalihiisa iyadoo kunteendharka uu hubkaasi ku jirana si aad ah loo ilaalinayo.
Waa markii ugu horeysey oo markab la sheegey inuu saaran yahay hub loo soo wadey Burcad-badeeda lagu qabto dekedda Boor-Siciid ee dalka Masar.
Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli bilihii u danbeeyey weerarada Burcad-badeedu ay ahaayeen kuwo si aad ah usoo kordhayey.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)