Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Maxakamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridey rag lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Ragga maanta la xukumay oo ay tiradoodu Gaareyso Ilaa Iyo 9-Dhalinyaro ayaa lagu ridey xukunno isugu jira dil iyo xarig ah inta u dhexeysa 1-10 sano.
Eedeysaneyaashan ayaa denbiyada lagu soo eedeeyey waxaa kamid ah inay ku lug lahaayeen dilal horay uga dhacay gobolka Bari.
Dadka la xukumay oo uu magacyadooda ku dhawaaqay Sh. Aadan Aw Axmed gudoomiyaha Maxamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ayaa kala ahaa sidan:
Muumin Maxamed Cawaale
Tawakal Cumar Darfure
Axmed Mahdi Muuse
Ciise Axmed AadanSidoo kale waxaa maxkamaddu waxay xarig mid 10-sano ah ku xukuntay 3-nin oo kala ahaa:
Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxmed
Xasan Cabdiraxmaan Maxamed
Maxamuud Cabdiraxmaan MaxamedMaxamadda ayaa sidoo kale xukunkooda dib u dhigtay labo nin kuwaasoo uu gudoomiyuhu sheegay in maalinta arbacada ah maxkamdda lasoo taagi doono waxayna kala yihiin.
Cabdirisaaq Faarax Samatar 3-sano
Barkhad Cali Maxamuud 1-sanoWaa markii ugu horeysey sanadkan ee ay maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari ay xukunto rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab iyadoo dhamaan dadka la xukumayna ay racfaan qaadan karaan.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)