Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Ithopia Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Berdaale Ee G/ Baay.

0
492

 Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) 

 Dagaalkaani oo ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Jiiro Med-sheekh ayaa qarxay kadib markii kolonyo ciidamada Itoobiya ka tirsan oo halkaas marayey ay Shabaabku soo weerareen.

Iska hor imaadkaas ayaa ahaa mid xoogan waxaana jirta khasaare soo kala gaarey dhinacyadii uu dhex maray Dagaalkaasi.

Xarakada Al-shabaab Sarkaal Ka Tirsan oo Saxaafadda la hadlay ayaa dhankooda sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay duleedka degmada Berdaale ay khasaare xoogan ugu geysteen ciidamada Itoobiya inkastoo uusan weli jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada Itoobiya Oo Iyana Dagaalka KUla Galay Degmadaasi.

Goobtii uu dagaalku ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyadoo xaaladuna ay xiligan tahay mid degen Oo Aan Wax Dagaal Ah Ka Soconin.

Weerarada gaadmada ah ee ay xoogaga Al-shabaab kusoo qaadayaan ciidamada Itoobiya ayaa soo badanayey tan iyo intii ay ciidamada Itoobiya Gudaha u Soo Galeen dalka Soomaaliya

 Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)