Wararka somaliya (warsom.com)
Iyadoo 18kii bishan decenber ee 2011ka maalin axad ah lagu diley ex
wariye c/salaam sh xasan allaha u naxariistee degmada x/jajab oo ka
mid ah goobaha ay maamusho dalada fkmg lana dhihi karo waa meelaha ugu
amniga roon muqdisho ayaa maalin cad nin wata dereyska ciidamada iyo
qori Ak47 uu si bareer ah ugu diley wariyihii qaaliga ahaa allaha u
naxariistee C/salaam xiis taas oo shaki badan galisey qeybaha kala
duwan ee bulshadda waxaana durbadiiba soo yeertey qeylo dhaan iyo
cambaareyn ka imaneysey madaxda dawlada ugu sareysa sida madaxweyna
axsaabta siyaasada saxaafadda haweenka garsoorka waaxyaha amniga iyo
caruurtaba .
Waxaa maalmo kadib bilawdey baaris iyo dabagal la xiriirta helitaanka
cidii ka danbeysey dilka wariyaha taas oo ay si adag ugu istaageen
bahda saxaafadda hey’adda nabadsugidda qaranka ciidanka booliska xeer
ilaalinta qaranka iyo shaqsiyad si gaar ah isu xilsaarey iyadoo
hawlwadeenadda wakaalada wararka warsom ay iyaduna dhinaceeda
baaritaan ku heysey sidii ay u heli laheyd xog lagu kalsoonyahey oo
dilka wariyaha ifisa ayaa waxaa noo suura gashey in aan la kulano
dadkii sacadihii ugu danbeeyey nolosha wariyaha la socdey marxuum
c/salaam sh xasan waxeyna noo sheegeen in marxuumka iyo rag la socdey
ay ka soo baxeen hottelka naasahablood2 iyagoo wata gaariga marxuumka
lagu dhexdiley goor ku beegneyd 8:00 oo daqiiqado dhiman dabadeed
waxaa dhacey baa layiri in gaari ay wateen xiis iyo wariyeyaal kale
gaari lagu hor gooyey waxaana gaarigaas wax isku horgooyey watey
madaxa ciidamada illaalada u ah gud gobolka banaadir ninkaas oo
layiraa FANAX isagoo ku wargeliyey si cad oo aan leexleexasho laheyn
in uu doonayey in uu dillo marxuumka balse uu ku dhaafey raga
wariyaasha ah ee xiis la socdey sheegeyna inuu saacadaha soo socda uu
dili doono waxaana hakaa ka muuqata in la tusayey ninka marxuumka
gacantiisa ku dilley marxuumka ayaa ugu jawaabey “fanax” in aanu waxba
dili karin illaahna uu wax dillo isagoo marxuumku soo aadey dhanka
goobtiisa shaqo waqti ku aadan 9:15 daqiqo ayaa waxaa soo wacey
marxuumka FANAX Iyadoo ay la joogaan qaar ka tirsan shaqaalaha
tefissionka horncabe wuxuuna furey sameecadda telka si cad ayuu hadana
ugu sheegey in uu dili doono saacadaha soo socda marxuumku wuxuu isla
waqtigaa wacey xildhibaan xuseen caraale cadaan oo u sheegey marxuumku
hanjabaada kaga timid ninkaas fanax lagu magacaabo xildhibanka ayaa
marxumka waydiyey in marqati uu u hayo iyo inkale marxuumkuna wuxuu
xildhibanka u shegey in uu marqati uu heysto wuxuuna xildh caraale ku
yiri talaabo ha qaadin aniga ayaa arinkaas gelaya qaar ka tirsanaa
shaqaalihii horncable ayaa marxuumka ku yiri xiisow ha fududeysan
hanjaabada aan maqleyney ee u sheeg gud degmada aad degentahey (AXMED
DAACI) Wuuxna ku jawaabey xiis in haddii axmed daaci warkan loo sheego
ay wax kale meesha ka dhacayaan taas oo u muuqata in wariyuhu ahaa nin
nabadeed iyadoo isla markii uu shaqadii kasoo baxeyba lagu dilley meel
xafiiska agtiisa ah, allaha u naxariistee.
Wakaaladda wararka warsom oo la xiriirtey xildhibaan caraale wuxuu u
sheegey in warkaasi uu jiro xaqiijintiisana uu ku guda jiro dhanka
kale gud deg madiina AXMED DAACI ayaa isaguna warsom u sheegey in uu
warkaas maqley lagana daba tagi doono cid kasta oo ku lug yeesha dilka
wariyihii qaaliga ahaa C/salaan sh xasan xiis wariyeyaashi la socdey
marxuumka markii loo hanjabayey iyo kuwa horncable oo iyaguna maqlayey
hanjabaada telfoonka waxaan u qarinay magacyadooda sababo amni
dartood, mana aha markii ugu horeysey ee wariye loo dilley si
waxashnimo ah oo naxariisdaro ah.
Wararka somaliya (warsom.com)