Xilidhibaano katirsan baarlamaanka oo ka soo horjeda gudoomiyah Baarlamaanka oo loodiiday inay xarunta baarlamaanka ku shiraan iyo xiisado laga cabsi qabo.

0
600

Wararka somaaliya

Xiladhibaano gaaraya 250 oo ka mid ah xildhibaanada barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa saaka ku sii qulqulaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo kulan ka dhan afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kala fidhigan ay manta iskugu imaanyaan xildhibanada ayaa la sheegay in ajandaha Xildhibaanada ay ka doodi doonaan uu yahay mowshinkii laga keenay Gudoomiyaha barlamanka, oo lagu eedeeyay xil gudasho la`aan.

Wararka ay warsom ka haleyso xarunta baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in xildhibaano ka soo horjeeda guudoomiya baarlamaanka loo diiday inay kudaha ugalaan madasha shiraka ee baarlamaanka, waxaan is hor istaak ku sameyay xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka islamarkaan taageersan guduumayaha baarlamaanka iyo ciidamo taabacsan.

Imanka waxey xildhibaanada ku suganyihiin afaafka hore ee xarunata baarlamaanka halkaas oo ka daagan xiisdo taas laga cabsi qabo inuu ka dhasho isku dhacyo u dhaxeeya xildhibaanada

 Dhanka kale wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa waxa ay sheegayaan in maanta la qorsheynayo in Soomaalida dalkaasi ku nool ay dibadbaxyo ka dhan Guddoomiyaha barlamanka KMG ay ka dhigaan magaalada Roma ee caasimadda dalkaasi oo lagu wado in maanta uu gaaro Shariif Xasan.

Wixii ku soo gordhaa warkaas ka lasoc wararka dambe ee warsom