Xilidhibaano ka tarisan dawlada oo sheegay inay Kalsoonidii Kala Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka

0
523

 

Wakaalada wararka soomaaliyed wars.omcom

Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo ay uga soo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 150-xildhibana oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka waxayna go’aan ku gaaren in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan kadib markii ay kusoo eedeeyeen xil gudasho la’aan.

Xildhibaan Cumar Islow oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee maanta kulanka ka qayb galay ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada maanta shiray oo ah kooram buuxa oo mowshin keena kara ay go’aan ku gaareen in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxay sidoo kale mudanayaashu go’aan ku gaareen in muddada laga soo dooranaayo Guddoomiyaha cusub uu xilka sii hayn doono Guddoomiye kuxigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Lama oga sida uu u dhaqan geli karo go’aanka ay maanta gaareen mudanayaasha Baarlaamanka ee kaso horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mudanayaasha ayaa waxaa maal mahan soo kala dhexgalay khilaaf xooggan kaasi oo yimi kadib markii Guddoomiyahu siweyn uga hor yimi mooshino ay wadeen mudanayaashu.

Waxaa sidoo kale jiray qodobo kamid ahaa heshiiskii Kampala kuwaasi oo dhigaayey in aan wax mowshin ah la keeni kari muddada sanadka ah ee Dawladda oo laga soo bilaabay xiliggii lasoo magcaabay Raysal wasaare Gaas.