Wararka somalaya
Waxaa markale maanta xaadiray xarunta golaha shacabka xildhibaano katirsan baarlamaanka dawlada Kmg soomaaliya kuwaas oo sheegay shalay iney xilka ka qadeen gudoomya baarlamaanka iygoo doonayay iney magacaabeen gudi ka shaqeeye doorsahada gudoomye baarlamaan cusub.
Waxyar ka hor inta uu san firmin shirka baarlamaanka ayaa waxa goobta soo gaaray xildhibaano kale oo taageersan gudoomiyaha baarlamaan oo uu hoggaaminaayey Gudoomiye kuxigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, waxayna damceen in ay gudaha u galeen xarunta Golaha shacabka, hase yeeshee waxaa u diiday Xildhibaanada kale ee kasoo horjeeda.
Intaas kadib mar qura waxaa is badalay sidii uu ahaa jawiga kadib markii ay bilaabeen in ay jir dil u gaystaan qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka, waxaana Xarunta golaha shacabka ay noqotay goob fowdo ah . taasi ayaa sabaabtay inuu dhaco muran iyo dagaal u dhexeeya labada dhinac Xidhibaano badan ayaa gacanta iskula tegay wayna is feereen iyaga oo labo labo isugu aaday.
Arintan ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha gudoomiyha baarlamaanka ayaa imanay xili ay saaka ku shiray Madaxtooyada Villa-Soomaaliya qaybta martida ee loo yaqaan Villa Hargeysa markii uu soo dhamaaday kulankooda ayaa waxay soo aadeen xarunta golaha shacabka.
Xildhibanada ka soohorjeda gudoomiyha baarlamaanka oogaarayay 280 xildhibaan ayaa u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku heenata xarunta baarlamaanka.
Waxeena xildhibaandaan wixii ka dhacay Xarunta barlamanka dusha ka saaray Gudoomiye ku xigeenka barlamanka, waxaana uu aqriyay Mowshin horay uga yeelay Gudoomiye ku xigeenka kaasi oo ahaa in uu wali ka amar qaato Gudoomiyihii xilka laga qaaday.
Dhanka kale taageerayaash gudoomiyaha baarlamaanka oo qabtay shi jaraa`id halkaasi ay eedda ku saareen kooxa kasoo horjeeda Guddoomiyaha ee taageersan Madoobe Nuunow Maxamed.
Khilafka u dhexeeya mudanayaasha Baarlamaanka ayaa iminka salka la galay khilaaf hore oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Arintaan ayaa hadii dhaqan kasho waxay ka hor imaaneysaa heshiis ay horey madaxada dawlada ugu gaareen magaalada kamopla kaas oo ka goobnaa 10qodob ilsmarkaana xiladhibaanda u diidayay inay sameyaan xilka qaadis
Sidoo kale arrintii maanta dhexmartay mudnaayaasha Baarlamaanka ayaa dadka Soomaaliyeed soo xusuusisay dagaalkii kuraasta la isku adeegsaday ee Xildhibaanada ku dhexmaray magaalada Nairobi dhamaadkii sanadkii 2004-dii xilligaasi oo la asnixinaayey Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi.