xarakada mujaahidiinta ALshabaab oo soobandhigay Dukumintiyo askartii midowga afriga ee lagu dilay dagaalkii deyniile

0
545

 

War saxaafaded maanta ay faafisay Xarakada Al-Shabaab kaasoo lagu baahiyey bog cusub oo ka mid ah twitter-ka oo ay dhowaan hawada geliyeen ayaa lagu soo bandhigay sawiro iyo dukumintiyo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidamada Burundi oo qeyb ka ah kuwa AMISOM kuwaasoo ku geeriyooday dagaalkii cuslaa ee bishii Oktoobar ka dhacay degmada Dayniile ee koonfurta Muqdisho.

War saxaafadeedka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ka dib markii saraakiisha askarta Burundi ay u xaqiijin waayeen qoysaska askartii ku geeriyootay dagaalkii Dayniile in ay la soo xiriireen Al-Shabaab ayna ka codsadeen inay u sheegaan halka ay ku dambeeyeen askartaasi

“Anagoo ka jawaabeyna codsiyada nooga yimid 10 qoys ayaan soo bandhigeynaa dukumintiyada iyo aqoonsiyada toban ka mid ah askarta Burundi magacyadooda, taariikhda dhalashada, derejooyinkooda, gobolka ay ka soo jeedaan, nooca dhiigooda iyo diinta ay aaminsan yihiin” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay xiriirka u fureyso ehelada kale ee reer Burundi ee askartooda ka maqan yihiin, waana inaysan ka dambeyn 20-ka bishan Disembar ayaa lagu yiri, iyadoo emailo loogu soo bandhigay qoraalka dhexdiisa.

Sawirada iyo dukumintiyada ayaa ah 10 aqoonsi oo ay ku qoran yihiin magacyo iyo sawiro.  Waxaa sidoo kale dukumintiyada ku jira hal shahaado oo ay ku qoran tahay nin dhameystay tababar lahu siiyey gudaha dalka Burundi