Waxgaradka Jubada hoose oo cambaareeyey duqaynta Kenya

0
483

 

Wararka soomaaliya (warsom.com)

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay cambaareeyeen duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka gaysanayaan deegaano ka mid ah gobolka Jubada hoose, iyagoo sheegay in Keny ay dad shacab ah xasuuqday.

Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanada gobolka Jubada hoose oo siyaabo kala duwan ula hadlay warsom.com ayaa waxa ay sheegeen inay cambaareynayaan falkii ciidamada Kenya ay ku duqeeyeen deegaanada Hosigow iyo Kudhaa, waxaana ay sheegeen in falalkaasi ay yihiin mid naxariis daro ah oo xad gudub ku ah dadka iyo dalka Soomaaliya.

Odayaashu waxa ay sheegeen in ay u arkaan duqaynta Kenya mid si ula kac ah ay shacabka ugu gumaadayso, waxaana wax lala yaabo ay ku tilmaameen inay Kenya dafirto xasuuqa ay gaysatay, iyadoo ku andacoonaysa la dagaalanka Xarakada Alshabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada Kenya waxa ay qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose ka wadeen duqaymo isdaba joog ah, kuwaasi oo qasaaro lixaad leh ay ka soo gaartay dad shacab ah oo waxba aan galansan.

Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka