Wasiiro ka tirsan maamulka puntiland oo lagu ee deeyay inay sharciga hareer mareen puntaland

0
518

Wararka soomaaliya

Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa Kalfadhigii 27-aad ee maanta ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe eedeeyn ugu soo Jeediyey 4-Wasiir ka tirsan Xukuumada Cabdirixmaan Faroole oo ay sheegeen in ay hareer mareen Sharcigii Puntland kuna dhaqaaqeen falal ka hor imaanaya Dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa 4- Wasiir ee ay eedeynta usoo Jeediyeen ayaa kala ah, Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa,Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye,Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Injineer Siciid Maxamed Raage iyo Wasiiru Dawlaha Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Prof .Cabdiqaadir Cabdi Xaashi.

Buuq iyo Dood dheer ka dib ayaa Xildhibaano gaaraya 14- mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ay 11-kamid ah isku raaceen in lala Xisaabtamo 4-Wasiir ayna hor yimaadaan Baarlamaanka si Su’aalo loo weydiiyo ku saabsan eedaha loo jeedinayo.

Wasiirada ayaa eeda ugu weyn ee loo hayso ayaa waxaa ay Xildhibaanadu ku sheegeen in ay ka qeybqaateen dibad baxyo ballaaran oo lagu taageeray Joojinta Gudniinka gabdhaha,taas oo horay uu Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole go’aan ku gaaray in Puntland guud ahaanba laga Joojiyey Gudniinkaas.

Baarlamaanka Puntland ayaa dib usoo celiyey dhawaan Sharci ay Xukuumada Madaxweyne Faroole ku dooneysay in Puntland ay kaga mamnuucdo Gudniinka Fircoonig ah taas oo si wada jir ah usoo wada diyaariyeen Wasaarada Haweenka iyo Wasaarada Cadaalada iyo arrimaha Diinta Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa isaga oo adeegsanaya awoodiisa gaarga ah ku dhawaaqay in laga mamnuucay guud ahaanba Puntland Gudniinka Fircooniga xili uu ka qeybgalaayey Munaasab looga hadlaayey Gudniinka ay qabatay Wasaarada Haweenka Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulankaas ka sheegay in isagu taageersan yahay in la joojiyo Gudniinka Fircooniga isla markaana uu si weyn gacan uga geysanayo sidii loo joojin lahaa,waxaana xusid muduan in kulankaas uu ka sheegay hadaladan.