Wararka somaliya (warsom.com)
Wararka wakaaalada warasom.com ay ka helayso magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socday shir looga hadlayay dastuurka Soomaaliya iyo dib u habeynta baarlamaanka ayaa sheegaya in madaxda Soomaalidu ay heshiis ka gaareen qodob muran badan dhliyay kaasoo ku saabsanaa qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka.
Shirkan oo lagu waday in shalay soo gabgabeeyo ayaa waxaa hakad geliyay muran ka dhashay qaabka xulidda mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo Puntland ay soo jeedisay in lagu soo xulo qaab deegaan, halka DKMG, Galmudug iyo Ahlusunna ay iyaguna soo-jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5-ka oo ay ku dhisan tahay dowladda KMG ah.
Madaxda Soomaalida ayaa la sheegay inay isku raaceen in la dhiso baarlamaan shaqeynaya muddo afar sano ah kaasoo lagu soo xulayo nidaamka 4.5-ka ah, muddadaas kaddibna ay dadku soo dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo Puntland oo nidaamkan kasoo horjeedday lagu qanciyay inay ku raado dhinacyada kale.
Dhinacyada Soomaalida ayaa waxay horay isugu raaceen in tirada xildhibaannada baarlamanaka laga dhigo 225-xubnood, halka ay hadda ka yihiin 550-xubnood, balse qaabka loosoo xulayo ayaa muran badan dhaliyay.
Tan iyo shalay waxaa socday kulammo lagu doonayay in lagu xalliyo muranka isla markaana ay hal fikir isugu raaci lahaayeen siyaasiinta Soomaalida, iyadoo la xusay in arrintan ay ku timid dadaal uu sakay billaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ku qanciyay Puntland inay fikirkeedii ka tanaasusho.
Xafladdii gabgabeynta shirka ayaa lagu wadaa inay billaabato saacadaha soo socda laguna dhawaaqo war-murtiyeedkii ay dhinacyadu isku afgarteen, iyadoo shirkan uu daba socdo shir horay loogu qabtay Muqdisho oo laga soo-saaray heshiiska Roadmap.