Wararka somaliya “warsom.com”
Iyadoo beryahan ay soo if baxayeen dhaliilo la xiriira amniga magaalada muqdisho,oo loo soo jeediyey hey'addaha amniga ayaa haddana waxaad moodaa in dagaal gaar ah uu u dhaxeeyo hey'adda nabadsugidda qaranka iyo maamulka degmada wadajir. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan hey'adda nabadsugidda qaranku ay hawl gal isbaaro qaadis ah ay u aadeen degmada wadajir halkaasna ay ciidamadii kala kulmeen dagaal iyo iska caabin ay sameeyeen ciidamo hoos taga maamulka deg.wadajir,halkaas oo ay ku dhinteen ciidamadii hey'adda nabadsugidda ka tirsanaa iyadoo aysan jirin cid loo soo qabtey dilka ciidamada qaranka. Dad badan oo ka agdhawaa deegaanada ay isku fara saareen ciidamada nabadsugidda qaranka iyo kuwa maamulka degmada wadajir ayaa isu diyaariyey beryahaas qax iyo barakac iyagoo ka baqanayey in dawladdu u hiiliso ciidamada laga laayey hadana wax dagaala oo danbe ma dhicin ee xaaladdu caadi ayey iska noqotey sidii hore ayeyna isbaaradi dagaalku ka dhacey iska noqotey. Muddo ka dib waxaa dhegaha dadweynaha ku soo dhacey eedeyn uu u jeediyey gudomiyaha deg-wadajir Axmed Xasan Caddow hey'adda nabadsugidda qaranka isagoo tilmaamey caddeeyeyna in hey'adda nabadsugidda qaranku ay dad badan oo danbiilayaal ah si sahlan ku siideyso isla markaasna ay danbiyo ka geystaan meelo kala duwan ayna kuwaas yihiin kuwa ka danbeeya qaraxyada iyo amni darada magaalada laga dareemayo. Wasiirka arr-gudaha C/samad sheekh oo su'aashaas wax laga weydiiyey ayaa ku jawaabey in eedaasi aysan hey'adda iyo ciidamada qaranka aysan qaban isagoo yiri ciidanka nabadsugidda qaranku waa kuwo iyaga si toos ah loo ugaarsado ayna bartilmaameedsadaan kuwa dawlada kasoo horjeeda suura galna maahan in ay nabadsugidda qaranku sii deyso caddawgii iyaga dili lahaa hase yeeshee dad kale ayaa qaba in dagaalka nabadsugidda qaranka iyo maamulka deg-wadajir uu meel kale salka ku hayo lase ogaan doonee waxa jira waana arrimo ay keeneen qaraxyo beryahan ka dhacayey magaalada muqdisho iyadoo qaarkoodna la fashiliyey ama laga hortagey.Hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaaliyed warsom.com