Taliyaha ciidamada soomaaliland oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

0
458

 

Wararka somaliya “warsom.com”

 

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ee maamulka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland C/laahi Daahir Cukuse ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in wareegto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka looga qaaday talye Taani, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Axmed Siilaanyo soo magacaabay taliye cusub inkastoo aanu wax faahfaahin ah ka bixin.

Ma jirto wax kale oo faahfaahin ah oo saxaafadda ay ka heshay sababaha xilka looga qaaday taliyihii ciidamada Somaliland oo ka mid ahaa saraakiisha ka haray maamulkii Daahir Rayaale oo talada Somaliland looga guuleystay sanadkii hore.

Xil ka eryida taliyaha ayaa timid iyadoo beryahan ay jireen eedeymo loo soo jeedinayey qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Somaliland oo uu ka mid yahay Nuux Taani oo lagu eedeeyey inay wax ka ogaayeen dil dhowaan dad rayid ah loogu geystay deegaanka Seemaal, kaasoo qaab qabiil isu bedelay.

Hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaaliyed warsom.com