Taageerayaasha shariif xasan oo madaxweenaha ugu baaqay inuu soo faragaliyo khilaafka baarlamaanka

0
497

 

Wararka somalaya

Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka isla markaana ah Guddomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka KMG ah Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay khilaafaadka ka dhex taagan Baarlamaanka isla markaana duray Madaxweyne Shariif.

Waxa uu sheegay in uu aad ula yaaban yahay sababta uu Madaxweynahu uga hadli waayey khilaafaadka gaaray in ay gacanta isula tagaan Baarlamaanka KMG ah oo maanta xitaa bastooladu isku qab-qabtay afaafka hore ee xarunta Golaha shacabka.

Mr Muudeey ayaa sheegay in Xildhibaanadii maanta buuqa kiciyey ee shalay Guddoomiyaha KMG ah doortay ay ku tunteen sharciga jamhuuriyadda Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in aan looga hari dooni qaladka ay galeen lanana xisaabtami doono.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa tilmaamay in uu aad uga yaaban aamusnaanta Madaxweynaha oo ku sheegay mid muujinaysa in uu raalli ka yahay waxa dhacaaya iyo in uusan fahmin.

Waxa uu Madxaweynaha ugu baaqay in uu soo farageliyo khilaafaadka Baarlamaanka oo iminka gaaray meel aad u khatar badan isla markaana keentay in ay gacanta iskula tagaan maanta mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood.