Shirka maamul goboleedyada soomaaliya oo manta kafurmay magaalada caado (magcyada maamulada iyo masuuliyiinta )

0
510

 

Wararka somaaliya

 

Shirkaan oo ay marti galineyso maamulka Ximin iyo Xeeb yaa manta Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ka furmo shirweyne balaaran, oo ay yeellan doonaan Maamul Goboleedyada ka dhisan gudaha dalka Somaliya.

Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada oo soo gaaray magaaladda Cadaado, ayaa waxay maanta yeellan doonaan shirweyne balaaran, oo ay uga hadli doonaan arrimaha cakiran ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiilo iyo madax kala matalaya maamul goboleedyo badan oo ka jira gobolada Mudug Galgaduud Hiran iyo Sh/ dhexe, waxaana ay kala yihiin sidan.

1. Dooxo State  oo uu horkacayay  kusimaha madaxweynaha  maamulkaasi  Maxamuud shido

2. Dooxada Cagaaran State  oo ka dhisan shabelleda hoose  waxaa horkacayay M/kuxigeenka Cabdiraxakiin Sheikj  Cusman  Iyo Marwo Maano  Sheikh Abuukar.

3. Hiiraan And midland state  M/Kuxigeen Ahna Kusimaha Madaxweynaha Abuukaate: Cabdulqafaar Axmed Cismaan

4.  Ceelbuur State  Madaxweyne C/laahi  Maalin Gaafow.

5.  Hiiraan Sate  Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab.

6 . Central State  Madaxweyne Maxamed Xaashi Cabdi.

7 . Jiinwabi State  oo ka dhisan Shaballeada Dhexe  Kusimaha Wasiirka Arimaha Gudaha   Maxamud Axmed Maxamed (miiraaq).

8. Mareeg state Wasiirka Caafimaadka  Maxamed Cali Faydheer

9. Shaballeda Dhexe State  Madaxweyne Kuxigeen Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka  Dr. Cabdullahi Sheikh Hassan Adoow (Ashaddu).

Ximan iyo Xeeb oo shirka marti galinaysa ayaa waxaa shirka uga qaybgalaya madax sarsare oo badan.

Muhiimada kulankan ayaa ah sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen maamuladan oo awoodooda u midayn lahaayeen, waxaana laga dhur sugayaa waxyaabaha ka soo baxa wajiga hore ee shirkan.