Sarkaal kartirsan puntald oo manta qarax lala beegsaday

0
498

 

Wararka somalaya

Qarax xoogan ayaa waxaa maanta magaaladda Boosaaso lagula beegsaday Taliyaha ciidamada ilaalada Shirkadaha macdan qodista ee Puntland, iyadoo qaraxaasi uu sababay khasaarooyin kala duwan.

Gaari uu la-socday Taliyaha ciidamada ilaalada Shirkadaha macdan qodista ee Puntland, ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday Xaafadda Laanta Hawada ee Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Taliyaha ciidamada ilaalada Shirkadaha macdan qodista ee Puntland Gaashaanle sare Cali Faarax Nuur oo qaraxaani ka hadlay, ayaa wuxuu sheegay in qaraxu uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee gacanta laga haggo, isla-markaana wuxuu xusay in qaraxaasi uu khasaaro ka soo gaaray afar ka mid ah ilaaladiisa.

Taliyaha ayaa wuxuu sheegay qaraxa kadib in lagu soo furay rasaas xoogan, isagoo intaasi ku daray inay iyagana iska caabiyeen, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inay baadi goob ugu jiraan raggaasi.

Wuxuu sheegay inaysan weli soo qaban raggaasi, laakiin wuxuu xusay inay ku raad jooggaan ayna soo qaban doonaan, si Sharciga loo-soo joojiyo, bacdamaa uu sheegay inay yihiin kuwo dambiilayaal ah.

Majirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxii maanta magaaladda Boosaaso gil gillay ee lala beegsaday Gaashaanle sare Cali Faarax Nuur, isla-markaana masuulkaan ayaa wuuu qaraxaasi uu uga bad-baaday faro ciddi leh.