Rag ku labsan dareeska dawlada oo wariye c/saalan xiis ku dilay magalada muqdisho

0
506

 

Wararka somaliya

Allaha ha naxriistee weriye C/salaan Sheekh Xassan Xiis oo kamid ah saxafiyiinta ka hawlgala Tv-ga Horn Cable xaruntiisa muqdisho iyo idaacada VOD ee magalaada muqdisho ayaa galabta rag hubeesan ooo  kulabisan dereeska ciidamada maltariga ku rasaaseyeen dagamada x/jajab ee gobolka banaadir.

Allaha u naxaarsiitee C/salaan  Sheekh Xasan (Xiis) ayaa xiliga la dilaya waxaa uu marayay inta u dhexaysa Isgoyska Xamarjajab iyo Hotelka Madiina xili uu ku siijeeday xarunta Tv-ga Horn Cable ee muqdisho.

Kooxaha dilka u geystay wariye xiis oo baxsaday ayaa wariyaha rasaas kaga dhufatay madax, lamana garanayo sababta ka dambeesay dilka wariyaha.

Wariyaha oo markii hore soogaaray dhaawaca culus ayaa loo qaaday Isbitaalka madiina  ee magaalada Muqdisho halkaas oo markii dambe uu ku geeryooday sida uu warsom uxaqiijiyay midkami eheldiisa.

Qaarkamid ah wariyaasha ay isla shaqeeyeen wariye c/salaam xiis ayaa warsom u shegay in allaha hanaxriistee xiis uu ahaa halyeey saxafadeed islamarkaana ay dabi donaan.

Kaamirmaan Yaxye Cali Max’ed oo katirsan TV-ka Horn Cable islamarkaan in muda ah ay wadashaqeeyeen wariye c/salaan xiis oo ka hadalayay  dabeecada uu lahaa Allaha u naxaarsiitee C/salaan Xiis ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa nin wanaagsan oo dabeecad leh, sheeko badan, shaqo badan islamarkaana si wanaagsan ula shaqeyn jiray bahda Warbaahint.

Majiroto wax war ah oo ay dawlada KMG ay ka soosaarata dilka wariye c/salaam xiis oo maanda ay dileen rag labisan dareeska dawlada

Hoyga runta iyo xaqiiqda wararka somaaliyeed warsom.com