Wararka somaliya “warsom.com”
Warar dhawaan naga soogaray magaalda mandheer ee gobolka gado ayaa sheegya in qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac maanta ciidamo ka tirsan dowladda Kenya lagu eegtay degmooyinka Wajeer iyo Mandheera ee dalka Kenya.
Qaraxa koowaad oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee Remote-ka laga hago ayaa waxaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada kenya, markii qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamo kale oo Kenyaati ah iyagana qarax kale ayaa lala eegtay.
Qaraxyada oo ahaa ilaa 3 qarax ayaa labo ka mid ah waxa ay ka dhaceen xadka Mandheera iyo la wadaagto Baladxaawo kuwaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo fariisimo ku leh halkaasi, qarxyadaasi oo uu ku geeriyooday 2 askari 3 kalana uu ku dhaawacmay sida uu wakaalada wararka warsom.com u sheegay qof goobjooga ah.
Sidoo kale kale qaraxa kale ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah kaasi oo ilaa hadda aan la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.
Ciidaamda Kenya ayaa qaraxyada ka dib hawlgallo ka sameeyey gudaha Mandheera, waxayna ku qab-qabteen dad aan tiradooda la sheegin.
Ciidaamda Kenya ayaa qaraxyada ka dib hawlgallo ka sameeyey gudaha Mandheera, waxayna ku qab-qabteen dad aan tiradooda la sheegin.
Hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaaliyed warsom.com