Qaar kamid ah culamad soomaaliyeed oo madaxweene faroole Dilkii Dr. Sh/Axmad Cabdi Raxmaan

0
527

 

Wararka soomaaliya

Sheekh Cabdul Qaadir Muumin, Sheekh xassan Maxamuud Takar, iyo Sheekh Maxamad Ismaaciil oo kamid ah Culimadii diinta Islaamka ee uu eedeeyay Cabdi raxmaan Faroole oo shalay gonlka Banaadir ku qabtay Shir Jaraa’id oo ay uga jawaabayaan arimahaasi.

Sheekh Cabdul Qaadir Muumin oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayna soo wakiisheen dhammaan Culimadii uu magacaabay Faroole ayaa  ugu horeyn u tacsiyeeyay Sheekha Axmad iyo Ehelkiisa iyo sidoo kale dhammaan ardaydiisii iyo culimada Soomaaliyeed ee Sheekhu ka geeriyooday.

Sheekh Cabdul qaadir Muumin ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka maamulka lagumagacaabay Puntland, isagoona sheegay in dilka culimada diinta Islaamka lagu yaqaano maamulka Faroole

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu jawaab kooban ka bixiyay dhaliil ay Shirka uga timid rag culimo ah oo fasiraad khaldan bixiyay, isagoona sheegay in raggaasi ay ka hinaasoodeen culimada badan ee Shirta iyo qodobada bayaanka kasoo baxay oo ah kuwa adilooyin kitaabka iyo sunnada xambaarsan iyagana aaney horey usoo saari jirin marka laga tago fikradooda iyo sida ay ugu muuqato xaaladda markaas laga hadlayo.

Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ay ehel ahaayeen Sheekh la dilay iyo Sheekh Maxaamd Ismaaciil oo kamid ahaa Culimadii uu magacaabay Cabdi raxmaan Faroole ayaa iyaguna Shirka Jaraa’id qeyb ka ahaa.

wakaalad warka soomaaliyeed warsom.com