Wararka somaliya “warsom.com”
Xildhibaano ka tirsan dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo jeediyeen codsi ka dhan ah gudoomiyaha golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh Aadan, iyagoo hay’ada nabad sugida dawlada KMG iyo ciidamada AMISOM ugu baaqay inay gudoomiyaha u diidaan inuu garoonka ka dhoofo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada dawlada KMG oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa
waxa ay sheegeen in Shariif xasan Sh Aadan uusan doonayn in dib loo furo fadhiyadii golaha Baarlamanka uuna ka soo horjeedo mooshinada xildhibaanadu ay soo gudbinayaan.
Xildhibaan Cali Max’ud Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada baaqan soo jeediyay ayaa sheegay inay muhiim tahay in gudoomiyaha Baarlamanka lagu cadaadiyo inuu aqwbalo in dib loo furo fadhiyadii baarlamanka, waxayna ugu baaqeen ciidamada AMISOM iyo hay’ada nabadsugida ee dawlada inay u diidaan safarada tirada badan ee uu hadba dalka uga ambabaxayo.
Fadhiyadii golaha Baarlamanka ee dawlada KMG ayaan dhawaanahan qabsoomin iyadoo qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanada ay gudoomiyaah Baarlamanka ku eedeeyeen inuu ka soo hor jeedo in laga doodo mooshino dhawr ah oo golaha horyaal.
Hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaaliyed warsom.com