Madaxweyne shariif oo la shiray xildhibaanadii xilka ka qaaday gudoomiyaha Baarlamaanka

0
450

 

Wararka soomaaliya (warsom.com)

Madaxweenaha dawlada KMG Sheikh Shariif Shekh Axmad ayaa manta kulan qarsoodi ah ayaa waxa uu laqaaday qaar kamid xildhibaanada dawlada ee dhawaan shaaciyay inay xilka qaadis ku sameeyeen gudoomiya baarlamanka Shariif Xasan Sheikh Aadan,

 

Sida laga soo xigtay xildhibaandii manta ka qeeb galay kulankaas  oo diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay  in maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan ku yeeshay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah Xildhibaanadii dhawaan xil ka qaadista ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Xildhibaanada warka laga  kasoo xiganay ayaa waxa ay sheegeen in kulanka u dhaxeeyay labada dhinac looga hadlay sidii Xildhibaanada barlamanka KMG ay ugu laaban lahaayeen go’aankii ay xilka kaga qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase ahaatee waxaa la sheegay in Xildhibaanada kulanka la qaatay Madaxweynaha oo gaarayay ilaa 10-Mudane ay ka biya diideen codsiga kasoo baxay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Maalinta birito ah ayaa mar kale waxaa lagu balansanyahay in kulan ay yeesheen Madaxweynaha dowladda KMG ah iyo Xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariirf Xasan Sheekh Aadan kaasi oo looga hadlayo khilaafka ka dhex taagan barlamanka KMG Soomaaliya.

Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka