Kooxo hubeysan oo dil ugu geystay magalaada boosaas sheikh caan ah iyo xarkada mujaahidiinta Al shabaab

0
539

 

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa saaka waxay toogasho ku dileen sheekh caan ka ahaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Sheekha la dilay oo lagu magacaabi jiray Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxa uu ka mid ahaa Culimada waaweyn ee Deegaanada Puntland waxana dilay sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah kooxa bostoolado ku hubeysnaa oo aan habytooda la garaneyn.

Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu habeenkii xalay ka qeybgalay Barnaamij gaar ah oo culimada Boosaaso ay ku qabteen Masjidka Rowda ee Boosaaso kaasi oo looga hadlayay Caawinta Dadkii wayeeladu ka soo gaartay Dabkii Boosaaso ka kacay.

Waxana Sheekhu Qudbadii uu halkaasi xalay ka jeediyay uu waxaa uu waxbadan kaga hadlay sida Masulimiinta loogu baahan yahay inay wax wada qabsadaan iskuna kalsoonaadaan iyo Arimo kale.

Sidoo kale Allaha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/Raxmaan, ayaa wuxuu wax ka dhigi jiray Jaamacadda Bariga Afrika ee magaaladda Boosaaso, isla-markaana wuxuu ka dhigaayay Kulliyada Shareecada.

Sheekha xasan daahir aweys oo kamid ah masuuliyiinta xarakada mujaahidiinta al shabaab ayaa dacsi u diray dadkii uu ka geeryooday sheekha, wuxuuna sheegay iney sheek xamad xaaji ay siwanaagsan uga ranayo islamarkaana ay saaxiib ay ahaayeen mudo dhan 40sano,

Wuxuuna  dilka sheekha ku eedeeyay inuu ka dambeeyey madaxweenaha maamulka puntuland c/raaxmaan  faroole

Dilka Sheekh Axmed Xaaji C/Raxmaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay dhamaan shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho, isla-markaana wuxuu ka mid ahaan Sheekhyada laga qadariyo dalka Somaliya.