Gaadiidleyda Muqdisho iyo Afgoye oo shaqo joojin sameeyay manta iyo rikaab ka oo bilaabay inay cagahooda malaan

0
545

 

Wararka soomaaliya (warsom.com)

Shaqo joojintaan ayaa manta sameeyeen gaadiid layda ka shaqeysa inta u dhaxeysa magalada  Muqdisho iyo dagmada Afgooye ayaa kadambeysay ka gadaal markii askarta Dowladda Ku meelgaarka kordhiyeen lacagta ay gawaarida ka qaadayaan xiliyada ay isticmalayaan wadadaasi

Askarta joogta Excontrol Afgooye ee oo ah halka Muqdisho looga baxo marka dhanka Afgooye loo socdo ayaa bilaabay in ay halkii mar oo gaariga dadweynuhu wadada soo maro ka qaadaan lacag dhan Konton kun oo Shilin Soomaali ah halka markii hore ay markiiba ka qaadi jirtay Sodon Kun oo Shilin Soomaali ah.

Midka ka mida h Darawalada oo u waramay wakaalada wrarka somaliyeed ee warsom.com ayaa u  sheegay in ay horay Dowladda Ku meelgaarka ah Cabasho ugu gudbiyeen laakiin aabnay cidina wax ka soo qaadin warkooda.

Darawalkaas oo Magaciisa ka gaabsaday sababo Amaankiisa la xariira aawgood ayaa yiri “ Lacagta nalaga qaado waa algu qayilaa”
Dad tira badan aayaa degan Deegaanada Lafoole, Ceelasha Biyaha, Kiilow Mitir 13 iyo , Carbiska iyo kuwa kale oo Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeeya, waxaana in badna oo ka mid ah u shaqo iyo dukaamiysi tagaan Caasimadda halka in kale oo Muqdishop degana ay u soo shaqo tagaan deegaanadaan.

Sidaas aawgeed wadadaas waxaa la oran karaa waa midda dadka ugu badan subax walib Muqdisho ku soo galaan.

Arintaan ayaa Maanta saameyn weyn ku yeelatay Muqdisho iyo degaanada kale ee la isaga socdaali jiray.

Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka