Wararka soomaaliya (warsom.com)
Wararka warsom.com ay iminka ka helayso gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaaya in diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya ay duqaymo xooggan ka geysteen deegaanka Shimbiraale oo wax yar u jira jasiiradda Kudhaa.
Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Dawladda Kenya ayaa la sheegay in ay ilaa shan gantaal ku dhufteen deegaanka Shimbiraale oo ay saldhigyo Ciidan ku leeyihiin xarakada mujahaadiinta Al shabaab.
Lama oga khasaaraha ka dhashay duqaynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya, hase yeeshee qaar kamid ah dad goobo dhuxusha lagu kaydiyo ku leh deegaamnka Shimbiraale ayaa warsom.com u sheegay in ay arkaayeen duqeemo lala beegsanayo xarumaha xarkada Al shabaab
Sidoo kale dadkaan goob joogayaasha ah waxay sheegeen in ay maqlaayeen xabado badan oo ay hawada u ridaayeen Ciidamada xarkada mujaahidiinta Al shabaab ee ku sugnaa goobta ay maanta duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya.
Sidoo kale waxey sheegay in goobaha ay saamaynta ku yeelatay duqaynta maanta ee ay waxyeeladu soo gaartay ay kamid yihiin baro lagu kaydiyo dhuxusha kuwaasi oo ka agdhow goobta weerarka lala eegtay maanta.
Shimbiraale oo ah meesha ay maanta duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya waa meel aanay joogin dadka rayidka ah, waxaana muddooyinkan la sheegaayey in ay ku yaalaan saldhigyo ay leeyihiin xarkada mujaahidiinta Al shabaab.
Waa weerarkii saddexaad oo ay muddo 48-saac gudahood ah jasiiradda Kudhaa iyo deegaanada hoos yimaada ay ka geystaan diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kenya.
Wakalada wararka somaaliyeed warsom,com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka