Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com
Afartaani Muwaadin ee Lasoo taagay Maxkamada Kutaala Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay Xiriir laleeyihiin Xarakada Mujaahidiinta ALshabaab Iydoo lagu eedeeyay Inay Gudaha Wadankaasi lacago uga Ruurin Jireen.
Sida ay qortay wakaladda Wararka ee AFP, Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda Maraykanka ayaa soo taagtay Maxkamad Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay xiriir la lee yihiin oo ay lacag u direen Xarakada Al Shabaab.
Ragaani Soomaalida ah ayaa la sheegay inay yihiin 4-ruux kuna noolaa gobolka California ee dalka Maraykanka ah, waxaana dadkaasi lagu kala magacaabaa Max’ed C/laahi Xasan, C/salaan Xuseen, Cabdi Xuseen iyo Naciimo Yuusuf kuwaasi oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Xarkada Al Shabaab.
Wasaaradda cadaaladda ee dowladda Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in Naciimo Yuusuf oo 25-jir ah ay Xarakada Al Shabaab u dirtay lacag gaaraysa 1450, Kun oo doolar, iyadoo Wasaaraddu ay sheegtay in gabadhaasi laga yaabo in lagu xakumo 15-sano oo Xabsi ah.
Sikastaba ha’ahaatee Arintaani ayaa waxaysan ku cusbeen Muwaadiniinta Soomaalida ah oo ku Nool Wadanka Mareykanka Iyadoo ay jiraan Sidaani oo kale Dhalinyaro Badan oo lagusoo Eedeeyay Inay Xiriir la leeyihiin Xarakada Mujaahidiinta ALshabaab Hadana Lagu Waayay eedeentaasi.