Dawlada kenya oo ku hanjabtay inay weeraro cirka, dhulka iyo bada ku qaadeyso magaalada kismaayo

0
497

 

Taliska Ciidamada Milatariga ee dowladda Kenya ayaa sheegay inay weerar dhulka, cirka iyo badda ah ay ku qaadi doonaan Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab ee Koofurta Soomaaliya.

Janaral Julius Karangi oo ah Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ayaa waxa uu farta ku fiiqay inay weeraridoonaan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose halkaasi oo uu sheegay in laga soo abaabulo weerarada lagu soo qaado gudaha dalka Kenya islamarkaana uu daqli kasoo galo AL Shabaab dakadda Kismaayo.

Isaga oo booqanayay Karangi Xarunta ugu sareysa ee ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin Waqooyiga dalka Kenya ayaa ugu baaqay ciidamada inay u diyaar garoobaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab kuwaas oo looga ciriribtirayo gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

“Qorsha howleedka aan u joogno Somaliya waxa ay tahay in aan Al Shabaab ka saarno gobolada ay gacanta ku hayaan sidoo kale waxaa qorshaheena ku jira dilka iyo qab qabashada Saraakiisha ugu sareeysa Al Shabaab” sidaasi waxaa yiri General Julius Karangi.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Milatariga ah ee dalk Kenya ayaa waxa uu ugu dambeyn sheegay in howgallada ay ku baacsanayaan Al Shabaab oo ay doonayeen in ay goor hore soo afjaraan ay hakiyeen roobab ka da’ay Koofurta Soomaaliya.