Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com
Dagaalo culus ayaa waxay maanta dhex mareyn Ciidamadda Dowladda Kenya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Jabhadda Raaskambooni oo dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Labada dhinac ayaa waxay ku dagaalameen deegaanka Xayo, oo ku yaalla inta u dhaxeysa deegaanada Taabto iyo Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana dagaalada ayaa waxaa soo qaaday xarkada mujaahidiinta Al Shabaab sada ay inoo xaqiijiyeen dad ka ag dh aw goobaha ay dagaalda manta ay ka dhaceen.
Masuuliyiin ka tirsan xarkada mujaahiddta Alshabaab oo lahadleysay idaacada Andulus, ayaa waxay sheegeen inay la-wareegeen deegaanka Xaayo, ayna ka saareyn Ciidamadda Dowladaha Kenya iyo dawalda..
Sidoo kale saraakiishaan ayaa waxay sheegeen in dagaalada ay ku qabsadeen ilaa 9 baabuur, isla-markaana baabuurta ayaa waxay sheegeen inay iskugu jiraan kuwo dagaalada iyo kuwa xamuulka.
Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Dawladda KMG ah ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in ay dagaal khasaare geystay ku qaadeen deegaanka Birtadheer oo maagalada Kismaayo u jira 60-km.
Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa qaaday Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxayna sheegeen saraakiisha Ciidamada Dawladda KMG ah in ay dagaalkaasi khasaare ballaaran ugu geysteen Ciidamada Al shabaab sidoo kale ay gawaari dagaalka uga gubeen. .
majiro ilo madax banana oo cadeenay guulaha ay kala sheeganayaan labada dhican .