Dagaal u dheexeye ciidamada puntuland iyo galmudug oo ka dhacay gaalkacyo

0
508

 

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

 

Iska horimaad gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, una dhaxeeyay  ciidamo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo.

Iska horimaadkaani oo ahaa mid muddo socday islamarkaana u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxaa uu ku dhexmaray Tuulo lagu magacaabo Laascigaal oo 105-KM dhinaca Woqooyi bari ka xigta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii uu muran soo kala dhex galay qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Laascigaal oo hoostaga Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in iska horimaadkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen Maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay.

Deegaanada manta ay dagaalka ka dhacay ayaa iminka waxaa laga dareemayaa kacsanaan colaadeed iyadoo ay wali is hor fidhiyaan dhinacyadaas diriray, waxaan arintaas cabsi ka muujinaya dadka rayidka ah ee deeganadaaas ku dhaqan