Dagaal markale manta kadhacay gobolka jubada hoose

0
571

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

Wararka naga soo gaaraaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaaya in dagaal u dhexeeya Ciidamada kenya iyo xarakada Al shabaab uu saaka ka dhacay waddada u dhexaysa deegaanada Qooqaanni iyo taabto ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa xarkada mujaahidiinta  Al shabaab waxay la beegsadeen Ciidamo kolanyo ah kuwaasi oo katirsan Dawladda Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in kadib kuwa Dawladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay dagaal xoogan la galeen Al shabaab waddada u galay gawaari kolanyo ah oo ka timi dhanka Qooqaanni.

Saraakiil u hadashay Al shabaab ayaa sheegay in dagaalkii saaka uu ahaa mid qorshaysan oo ay la eegteen kolonyo kamid ah Ciidamada huwanta halkaasi oo ay khasaare ballaaran ugu geysteen Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa Kenya.

Dhanka kale saraakiil katirsan Ciidamada Dawladda KMG ah oo aan khadka taleefanka kula xiirnay ayaa waxay inoo sheegeen in ay iska difaaceen Al shabaab oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa Kenya.

Maalintii Jimcaha ayey ahayd markii dagaal xooggan oo socday wakhti badan uu deegaanka Xayo oo u dhexaysa Qooqaanni iyo Taabto ku dhexmaray Ciidamada kenay iyo xarkada  Al shabaab, Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in 4-askari ay dagaalkaasi ku wayday.

Al shabaab ayaa maal mahii lasoo dhaafay waxay weerarro gaadmo ah la ee ganaayeen fariisimada Ciidamada kenya ee gobolka Jubadda Hoose, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaara labada dhinac.