Culumaa`udiin ku baaqay in la mamnuuco mukhaataraatka iyo jarista dhirta

0
540

 

Wararka soomaliya

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa isku raacay in dalka Soomaaliya laga mamnuuco waxyaabaha maanka dooriyo iyo nabaad guurka lagu hayon dhirta dalka Soomaaliya.

Kadib kulan maalmo ka socday magaalada Baydhabo oo ay kasoo qeyb galeen culimaa’udiin caan ka ah dalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah in ay ka haraan isticmaalka Mukhaadaraatka iyo kagacsiga daraagiska.

Bayaanka culimada ayaa lagu sheegay in mukhaadaraadku khatar ku yahay akhlaaqda muslimiinta iyo dhaqaalahooda sidaasina ay shareecada Islaamku ku mamnuucday daroogada.

Sidoo kale culimada ayaa Mamnuucay in dhirta laga jaro wilaayaatka dalka Soomaaliya, culimada oo Baxsi dheer ku sameeyay arrimaha bii’ada ayaa sheegay in sharciga islaamku uusan qabin in dhirta nacfiga leh lajaro.

Waa markii ugu horeysay oo ay culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay si mideysan usoo saaraan bayaan dhaxalgal ah. 

Wakaalada wararka soomaaliyeed Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomliyeed