Wararka soomaliya
Qaraxa khasaare geystay ayaa Ciidamada Dawladda KMG ah lagula eegtay wadadda isku xirta deegaanka Taabto iyo degmada Dhooblay ee Gobelka jubada hoose .
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen 5-kamid ah Ciidamada Dawladda KMG ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la cayimin.
Xarkada mujaahidiinta Al shabaab ayaa durbadiiba sheegtay qaraxa oo saaka saacado hor dhacay, waxayna tilmaamay in ay qaraxaasi la eegteen Ciidamada Dawladda KMG ah, sidaasi ayaa waxay shabaab ku sheegeen fariin ay iminka soo saareen bogga twitterka oo ay isticmaalaan.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dawladda KMG ah oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyey weerarkaasi khasaaraha sababay ee Ciidamada Dawladda KMG ah lagula eegtay waddada u dhexaysa Taabto iyo Dhoobley.
Meydka iyo dhaawaca Ciidamada Dawladda KMG ah ayaa la geeyey degamda Dhoobley oo ay kusii jeedeen markii haore in aan la qarxin gaarigii ay saarnaayeen oo uu khasaarahu kasoo gaaray.
Waa markii ugu horaysay oo xarkada Al shabaabka Jubadda Hoose ay qarax miino la eegtaan Ciidamada Dawladda KMG ah ee kusugan gobolkaasi.
Wakaalada wararka soomaaliyeed Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomliyeed