Ciidamo ka tirsan dawlada oo tababar loo sooxiray iyo Reysal wasaare Gaas oo ka qeeb galay

0
526

 

Wararka soomaliya 

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay dowladda KMG Soomaaliya, Midowga Afrika, Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil ka socotay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo tababar loogu soo xirayay Ciidamo ka tirsan Milatariga dowladda KMG ah ayaa waxa ay ka dhacday Xero Milatri oo AMISOM ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Jaziira degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayeen 866-askari kuwaasi oo horey tababar ugu so qaatay Xero lagu magaccaabo ‘ Bihanga’  oo ku taala dalka Uganda hase ahaatee munaasbaddii maanta ayaa wax ay aheyd mid lagu soo xirayay tababar dhamaystir ah oo ay ku qaateen gudaha Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya, Dr C/weli Maxamed Cali oo maanta soo xiray tababar 867-askari oo ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa ku boorriyay ciidamada tababarka loo soo xiray inay qayb ka qaatan dib u soo celinta ammaanka dalka iyo sidii ay u soo celin lahaayeen sharafta ciidamada milateriga Soomaaliya.

“Maanta waxaa idiin dhamamaday tababarkii – waxaadna u howlgeli doonaa difaaca iyo xoreynta dalka Soomaaiya, waxaad u diyaar-gaboobaysaa soo celinta sharaftii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed iyo midda ciidanka,” ayuu ra’iisul wasaruhu ku sheegay hadal uu u jeediyay ciidamada tababarka loosoo xiray.

Gaba gabadii Mas’uuliyiintii kale ee ka hadashay Munaasbadda tababarka loogu soo xirayay cutubyadaani ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadaasi laga doonayo inay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka dalka Soomaaliya islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka Soomaliyee

Wakaalada wararka soomaaliyeed Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomliyeed