wararka soomaaliya warsom.com
Ciidamada Wadanka Kenya ayaa howl galo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyey Xerada IFO 3- oo shalay qarax miino lagula eegtay Ciidamadaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay in howl galkaasi ku soo qabteen ku dhowaad 15-Qof oo Soomaali kuwaasi oo Ciidamadu ay ka soo qab qabteen Xaafadaha.
Dadka ay qab qabteen Ciidamada Kenya ayaa lagu tuhunsanyahay inay ku lug la haayeen qaraxii shalay Xeradaasi lagula eegtay Ciidamada Kenya, iyadoo dadkaasi la tilmaamay inay isugu jiraan dad da’ah iyo dhalinyaro ku sugneyd halkaasi.
Wali Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan howlgallada Ciidamada Kenya ay ka sameeyeen Xerada INFO-3 wallow gudiga ammaanka ee Woqooyi bari dalka Kenya uu ku baaqay in laga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacaya dalkaasi.
Inta badan Markii Ciidamada Kenya ay Howl gallo sameeynayaan waxay beegsadaan Dadka Soomaalida ah ee kusugan goobaha ay Howl gallada ka sameynayaa.
Booqo hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaaliyeed warsom.com
Wakaalda wararka soomaliyeed