Bank Moon iyo wafti uu hogaaminayo oo muqdisho yimid iyo kulamo ay la qaadanayaan madaxada dawlada KMG

0
492

 

Wararka soomaaliya

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobgay Ban Ki-moon iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mr Bank ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey masuuliyiin  Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG ah Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin kale oo ay wasiirro kamid yihiin.

Bank Moon ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya saraakiil sar sare oo katirsan hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, waxaana lagu wadaa in ay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulamo kula qaataan masuuliyiinta Dawladda KMG ah sida Madaxweyne Shariif iyo Raysal wasaare Gaas.

Waxa maanta si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo lagu soo daadiyay ciidamo badan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo arintaasi ay saameyn ku yeelatay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Waa booqashadii ugu horeeyey ugu horaysay oo ay wafti heer sare oo ka socda Qaraamda Midoobay ay dalka ku yimaadaan kadib 21-sano oo ahayd intii ay Soomaaliya Dawlad la’aanta ahayd.

Wixii ku soo gordhaa wararkeena dambe yaaa idinkugu soo kudbin doonaa

 wakaalad warka soomaaliyeed warsom.com