Augustina Mahiga oo sheegay Inay Somaliland u qalanto in la aqoonsado iyo xilidhibanad dawlada KMG oo ka soo horjestay

0
524

 

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Augustina Mahiga, ayaa sheegay in ay Somaliland u qalanto in la citiraafo, maadaama oo ay Somaliland ka hana qaaday dumuqraadiyad curdin ah taasi oo uu sheegay in ay tusaale fiican u noqonaysa dawladaha Afrika.

Mahiga waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyay shir lagaga hadlayay sidii ay qaramada midoobay iyo dalalka deeqaha bixiyaa Somaliland uga taageeri lahaayeen adkaynta nabadgelyada , la dagaalanka budhcadbadeeda iyo argagixisada, kaasi oo muddo laba maalmood ah ka socday hoteelka Ambassador ee magaalada Hargaysa, isaga oo Ambassador Mahiga booqasho gaaban ku yimid Somaliland.

Ergaygu waxa uu qiray inuu Somaliland ka jiro nidaamka xisbiyada badan oo astaan u ah dimuqraadiyada, Somaliland-na ay tahay dalka keliya ee afrikaan ah ee uu xisbi si nabad geliyo ah xilka ugu wareejiyay xisbi kale, sidaas darteedna ay Somaliland u qalanto in la citiraafo isla markaana laga taageero dhinacyada amaanka iyo dimuqraadiayda “Somaliland waxaa ka jira nidaamka xisbiyada badan, Somaliland kama jiro kelidii taliye ama digtaytor, Somaliland waxaa ka jirta dawlad uu xisbi xisbi kale si nabad geliyo ah ugu wareejiyay xilka iyada oo aanu wax dagaal ahi dhicin, Somaliland waxay tusaale fiican u tahay dalalka Afrika, sidaas darteed Somaliland waxay u qalantaa in la citiraafo, waxaan rejaynayaa arrintaa citiraafkuna in ay iman doonto wakhtigeeda, Somaliland waxay u qalantaa in la taageero, oo laga taageero dhinacyada dimuqraadiyada iyo amaanka.” Ayuu yidhi Ambassador Mahiga.

Mudanayaal katirsan Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kasoo horjeesteen isla markaana ku tilmaameen mid Soomaalida sii kala qo-qobaaya hadalkii Mahiga uu ka jeediyey maalintii  shalay magaalada Hargaysa.

Mudanyaashaan oo intooda badan kasoo jeeda gobolada waqooyiga Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Agostina Mahiga Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu kala jejebinaayo Soomaaliya isla markaana uu rabo in uu gobol-gobol u kala gooyo.